Qaramada Midoobey oo baaq u dirtay Milkiilaha cusub ee Twitter-ka.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warqad furan u qoray milkiilaha cusub ee Twitter, Elon Musk, isagoo sheegay in xuquuqul insaanka ay xudun u tahay maamulka baraha bulshada.

Warqadda Volker Turk ayaa daba socota ka dib markii bilyaneerka uu ceyriyay kala bar shaqaalihii Twitter-ka – oo ay ku jiraan dhammaan kooxda xuquuqda aadanaha – ka dib markii uu iibsaday shirkadda, Qaramada Midoobey waxay ka codsatay in uu ilaaliyo xuquuqul insaanka.