Itoobiya oo koronto ka dhalisay marawaxadda labaad ee biyo-xireenka Nile

0
1450

JOWHAR (Radio isnaay) Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay koronto kasoo saarto marawaxadaha labaad ee biyo-xireenkeeda weyn ee Nile.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale xaqiijiyay in hannaan saddexaad oo lagu buuxinayo biyo-xireenka Itoobiya) oo ay ku baxayso balaayiin doollar la bilaabi doono.

Intii ay socotay munaasabad laga sii daayay taleefishinka Itoobiya, ayaa la arkayay Abiy oo riixaya badhan si uu u soo saaro marawaxadii labaad.

Mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, ayaa soo bilowday sannadkii 2012-kii 20 sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here