Afar Mataana ah oo mar Qura  ka Qalinjebiyay Jaamacad ku Taala Dalka Uk.

0
169

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – afar dhalinyaro ah oo mataana ah ayaa markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK.

Aayah, Cabdiraxmaan, Osama iyo Axmed Shacbaan waxay kasoo jeedaan Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

Dhalinyaradan 20 jirka ah waxay jaamacadda kusoo biireen 2018.
Waxay kala barteen culuumta kala Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha.

Axmed oo helay natiijada buunddada koowaad ayaa sheegay in nolosha jaamacadda ay si wanaagsan ula qabsadeen isaga iyo walaalahii la mataanka ah isla markaana ay casharro badan oo dhanka nolosha ah kasoo kororsadeen.