Chelsea Oo Garaacday Tottenham Xaalkana Ku Xumaysay Kooxda Ka Dhisan North London.

0
28

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa garaacday Tottenham kulan ka tirsanaa premier League isla markaas baaqi u ahaa labada kooxood.

Blues ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan golal.

Daqiiqadii 24-aad ayay chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Trevoh Chalobah kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Tottenhm ayaa siku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea wax walba ku fiicnayd.

Qaybtii dambe ayay Chelsea sii waday dadaalada ay doonayso iyaga oo samaynayay fursado.

Daqiiqadii 72-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhmaaatay ciyaarta oo ay chelsea garaacday Tottenham.