Waddamo doonaya in ay Falastiin u aqoonsadaan maanta dowlad madax bannaan

0
62

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalka Ireland iyo Spain ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan qorshayaal si rasmi ah loogu aqoonsanayo Falastiin dawlad madax bannaan.

Ra’iisul wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa lagu wadaa inuu qabto shir jaraa’id Arbacada maanta.Aqoonsigu waxa uu bud-dhig u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Ireland oo qayb ka ah taageerada dawladda ee ku aaddan in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Raiisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa isana la filayaa inuu barlamanaka dalkiisa u jeediyo khudbad uu kaga hadlayo arrintaan.

Israa’iil ayaa tillaabadaan ku timaantay mid sii hurinays xagjirnimada iyo xasillooni-darrada ka dhex taagan Israa’iil iyo Falstiiniyiinta.