Shirkadda WhatsApp oo war cusub soo saartay

0
39

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxa WhatsApp ayaa sheegay in tobanaan milyan oo qof ay si qarsoodi ah u isticmaalayaan habab farsamo si ay ah u galaan barta iyaga oo ku sugan wadamada laga mamnuucay.

Will Cathcart ayaa ka hadlayay wareysi uu siiyay BBC-da.

Waxa uu sheegay in uu ku hanweyn yahay in uu si gaar ah ula xiriiro meelaha ay ku sugan yihiin dowladaha kalitaliska ah.

Whatsapp ayaa laga xiray wadamo ay ka mid yihiin Iran, North Korea iyo Syria.

Bishii hore Shiinuhu wuxuu amar ku siiyay Apple inuu joojiyo soo dejinta app-ka ee iPhones.

Whatsapp-ka waxaa isticmaala ku dhawaad ​​laba bilyan oo qof adduunka ku nool, taas oo Mr Cathcart uu ku tilmaamay mid maskaxda lagu hayo.