Hoggaamiyayaasha Afrika oo dalbaday $120 bilyan si ay ula dagaallamaan isbedelka cimilada

0
65

Jowhar – ( Radio Isnaay )- Madaxda Afrika iyo kuwa dowladda ayaa ugu baaqay waddamada qaniga ah in ay sameeyaan tabarucaad taariikhi ah oo lagu caawinayo waddamada soo koraya si loola dagaallamo isbedelka cimilada.

Kulan ka dhacay magaalada Nairobi ayuu madaxweynaha Kenya ugu baaqay deeq bixiyayaasha inay ugu yaraan boqol iyo labaatan bilyan oo dollar ku bixiyaan dhismaha bangiga adduunka ee sida gaarka ah loo sameeyay. Mr Ruto ayaa ka hadlayey daadadka Kenya iyo abaaro ba’an oo saameeyay dalalka koofurta Afrika.

Ruto waxa uu sheegay in loo baahan yahay gurmad wadajir ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada adduunka. (Wadamada deeq bixiyayaasha ayaa lagu wadaa inay ku yaboohaan tabarucaadkooda Ururka Horumarinta Caalamiga ah ee Baanka Adduunka shir ka dhici doono dalka Japan bisha December.