Arsenal Mise Man City?

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Roy Keane ayaa ku qanacsan in Manchester City ay sii wadi doonto oo ay kor u qaadi doonto koobka Premier League ka dib markii kooxdu ay 2-0 kaga badisay Nottingham Forest.

Keane ayaa sheegay in ay Man City wada badin doonto dhamaan kulamada uga dhiman horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa hal dhibic ka hoosaysa kooxda Hogaaminaysa horyaalka premier League ee Arsenal laakiin waxa ay baaqi u haysataa hal kulanka.

“Waxa aan aaminsanahay in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka premier League”ayuu Keane yidhi.

“Waxa aan filayaa in ay Man City badin doonto dhamaan kulamada uga dhiman horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay Man City isha ku hayo ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah.