Xaqiiqooyinka Kulanka Liverpool Iyo Tottenham Ee Premier League

0
30

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kulanka ugu xiisaha badan ee premier League ayaa dhici doona maanta iyada oo ay isaga hor iman doonaan kooxaha Liverpool iyo Tottenham.

Kulanka ayay labada kooxood kulanka u soo gali doonaan sidii ay u heli lahaayeen 3-da dhibcood ee kulanka.

Hadaba halkan kaga bogo xaqiiqooyinka kulanka:

Guuldarada kaliya ee Liverpool ka soo gaartay 29-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda kula ciyaartay Tottenham (W19, D9) waxa ay ahayd guuldaro 2/0 ah bishii May 2011.

Spurs ayaa bishii Sebtembar 2-1 ku garaacday Reds waxana ay raadinaysaa guusheedii 2-aad xilli ciyaareed kaliya ay ka gaadho Reds.

Guusha uu Jurgen Klopp ku gaadho garoonkiisa ayaa ka dhigi doonta in Reds ay dhaafto 700 oo dhibcood intii uu hogaaminayay Klopp waxa ay 698 dhibcood ka heleen 331 kulan tan iyo markii loo magacaabay.

Liverpool waligeed lagama badin kulan Premier League ah Bisha May  intii uu hogaaminayay Klopp (9 guul, 4 bar-baro).