Harry Kane Oo Dhaafay Halyeeyada Man United Iyo Liverpool Isaga Oo Rikoodh Cusub Dhigay.

0
51

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Harry Kane ayaa dhaliyay rigoore iyadoo Bayern Munich ay barbaro 2-2 ah la gashay Real Madrid ciyaarta xiisaha badneyd ee semi-finalka Champions League.

Weeraryahanka ayaana rikoor cusub u dhigay ciyaaryahanada Ingiriis ah tartanka champions League.

Kane ayaa dhaliyay goolkiisii 43-aad ee tartamada oo dhan Bayern Munich xilli ciyaareedkan isaga oo sii wada qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Goolkii uu ka dhaliyay Madrid ayaa ka caawiyay in uu dhigo rikoodh tartanka champions League ah xiddigaha reer England.

Kane ayaa ku lug lahaa 11 gool champions Leageu xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 8 gool 3 kalena caawiye ka noqday.

Kane ayaa dhaafay Halyeeyada Steven Gerrard iyo David Beckham kuwaas oo min 10 gool ku lug lahaa xilli ciyaareedka kaliya.