Manchester United Oo Xasuuq U Geysatay Chelsea Una Soo Gudubtay Champions League.

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa 4-1 ku garaacday Chelsea oo ay ku martigelisay Old Trafford, waxaanay soo cidhiidhsatay kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League oo ay kala wareegtay Newcastle United.

Manchester United ayaa guushan ku xaqiiqsatay in ay ka qayb-gelayso tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe, iyada oo soo afjartay rajadii Liverpool ee ahayd in ay tartankan yimaaddaan, waxaanay sidaas Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu ku tegi doonaan Europa League.

Carlos Casemiro ayaa noqday geesiga Manchester United iyo gool-dhaliyahooda, waxaana uu ciyaarta oo lix daqiiqadood oo kaliya socotay uu madax awood badan ku dhaliyey kubbad uu Christian Eriksen, sidaas ayaanay waqti horeba Red Devils kula saaxiibtay shabaqa Blues.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa uu Anthony Martial hoggaanka usii dheereeyey Manchester United, iyadoo kubbad uu khadka dhexe kasoo farsameeyey Casemiro uu xerada ganaaxa oo meel cidlo ah ugu dhiibay Jadon Sancho oo isaguna usii gudbiyey Martial oo shabaqa ku leexiyey.

Chelsea oo burbursanayd laakiin isku dayaysay in ay gool keentay ayaanay u suurtogalin qaybtii hore, halka Red Devils ay mar kale lasoo laabatay weerar aan joogsi lahayn.

Laba gool oo midkood rikoodhe ayaa ayay Manchester United is-raacisay shan daqiiqadood gudahood, waxaana gool-ku-laad shabaqa ku hubsaday Bruno Fernandes daqiiqadii 73aad, halka Marcus Rashford oo beddelay Antony oo dhaawacmay uu ciyaarta ka dhigay 4-0.

Joao Felix ayaa waqti dambe gool aan waxba soo kordhinin u dhaliyey Chelsea, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-1 ay guushu ku raacday Manchester United.