Haweeneydii lagu sharfi jiray dimuqraadiyadda ee ay sumcad darradu ku dhacday

0
244

JOWHAR (Radio Isnaay) Xilli aroor hore ah ayey militariga dalka Myanmar xabsiga dhigeen hoggaamiyaha daaha gadaashiida waddankaas ka maamuleysay ee lagu magacaabo Aung San Suu Kyi iyo siyaasiyiin kale, ka hor inta aysan maamulka guud ahaan la wareegin.

Afgambiga ayaa yimid xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxeysa dowladda rayidka ah ee Suu Kyi iyo militariga, taasoo daba socotay natiijadii doorashada ee lagu murmay.

Doorashada oo dhacday bishii November ee sanadkii hore, ayey xisbiga NLD ee Suu Kyi ka heleen kuraas ku filan oo u oggolaanaya inay dowlad dhisaan.

Maanta oo Isniin ah, wax yar uun ka hor inta uusan furmin kalfadhigii ugu horreeyay ee baarlamaanka, tan iyo markii ay doorashada dhacday, ayey milatarigu sheegeen in ay awoodda dalka ku wareejinayaan taliyahooda guud, Min Aung Hlaing, maadaama “doorashada la musuqmaasuqay”.

Telefishin ku hadla afka militariga ayaa sheegay in waddanka lagu soo rogay xaalad deg deg ah oo soconeysa muddo hal sano ah inta awoodda lagu kala wareegayo. Laakiin Aung San Suu Kyi ayaa taageerayaasheeda ku boorrisay “in aysan aqbalin arrintan” ayna “ka mudaharaadaan afgambiga”.

Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaanno Burma, waxaa xukumayay militariga ilaa inta ay isbadallada dimuqraadiyadeed ka billaabanayeen sanadkii 2011-kii.

Sanadkii 2015-kii, markii ay waddankaas ka dhacday doorashadii ugu horreysay oo si madax bannaan loogu tartamay muddo tobannaan sano gudahood ah, Aung San Suu Kyi ayaa qabsatay xukunka kaddib markii ay guul taariikhi ah ka gaadhay doorashada.

Waxaa loo arkayay in ay tahay qof ku dayasho mudan oo u dadaalay dimuqraadiyadda, sidoo kalena xuquuqdeeda uga tanaasushay si ay ula dagaallanto janaraallada xukunka adag ee militariga.

Gudaha dalkeeda, wali waxay ka tahay qof taageero ballaadhan ka heysa shacabka u baan diinta Budiistaha.

Laakiin dhinaca caalamka, sida ay uga jawaabtay xasaradaha muslimiinta Rohingya awgeed, waxaa looga arkaa qof ay sumcad darro weyn ku dhacday.

Maamulka Aung San Suu Kyi waxaa lagu bartay sida uu ula dhaqmay qoomiyadda muslimiinta u badan ee Rohingya – oo dalkaas looga tiro badan yahay. Haddaba sidee bay haweeneydan nabadda ku caan baxday ku gaartay heerkan?

Waddadii ay hoggaanka ku qabatay

Aung San Suu Kyi waxay xabsi ku qaadatay ku dhawaad 15 sano, intii u dhaxeysay 1989-kii iyo 2010-kii.

Sanadkii 1991-kii waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel, xilli ay wali ku jirtay xabsi guri, waxaana lagu tilmaamay “qof u dooda xuquuqda dadka aan awoodda lahayn

Maamulkii Obama ayaa cunaqabateynta ka qaaday Myanmar kaddib markii uu ka dhacay isbaddal dimuqraadiyadeed

Dhibaatadii ay shakhsi ahaan uga soo martay sidii ay dimyuqraadiyad uga abuuri lahayd waddanka Myanmar ee ay xilligaas xukumayeen milatariga ayaa ka dhigay qof lagu qaddariyo mucaaradnimada nabadeysan.

Bishii November ee sanadkii 2015-kii waxay xisbiga National League for Democracy (NLD) ku hoggaamisay guul doorasho oo taariikhi ah kaddib markii ay ka qeyb gashay doorashadii ugu horreysay ee si xor ah uga dhacda Myanmar muddo 25 sano ah.

Dastuurka Myanmar uga oggolaanayo iyada in ay noqoto madaxweyne, maadaama ay leedahay carruur heysta dhalashooyin ajnabi ah. Laakiin Suu Kyi, oo hadda 75 jir ah, ayaa si weyn loogu arkaa in ay tahay hoggaamiyaha daaha gadaashiisa ka xukunta waddanka.

Jahageeda rasmiga ah waa xubin ka tirsan dowladda. Madaxweynaha, oo lagu magacaabo Win Myint, waa nin ay aad isugu dhow yihiin.