BBC Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Xilli Ciyaareedka Premier League.

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Horyaalka premier League ayaa si Rasmi ah u dhamaaday iyada oo xilli ciyaareedka la soo afjaray.

Kadib xilli ciyaareed daba dheeraaday waxa la ciyaaray Axadii kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Man City ayaa ku guulaystay horyaalka halka ay Arsenal ku dhamaystay kaalinta 2-aad.

Liverpool iyo Aston Villa ayaa dhamaystiray kaalmaha ugu sareeya ee 4-aad ee xilli ciyaareedka.

Kadib dhamaadka xilli ciyaareedka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican xilli ciyaareedkan.

BBC Sport ayaa soo xulatay 11-ka xiddig ee ay aaminsan tahay in ay ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig.