Aadan Barre oo loo magacaabay wasiirka difaaca Kenya

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kenya, Wiliam Ruto ayaa maanta shaaca ka qaaday golihiisa wasiirada isagoo Aadan Barre u magacabaay inuu noqdo wasiirka gaashaandhigga Kenya.

Aadan Barre oo hadda ah xildhibaan laga soo doortay ayaa aad loo hadal hayay inuu soo geli doono golaha cusub ee wasiirada isagoo ay aad isugu dhaw yihiin madaxweyne Ruto.

Wuxuu hadda u baahan yahay inuu iska casilo xildhibaannimada ka hor inta uusan la wareegin xilka wasaaraadda.

Golaha wasiirada Ruto oo ka kooban 22 wasiir ayaa waxaa lagu wadaa in hadda loo gudbiyo baarlamaanka si ay uga doodaan.

William Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in Golaha Wasiirada cusub ay si deg deg ah uga howlgalaan fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay intiii lagu guda jiray ololaha doorashada.