Hordhac: Hungary Vs Switzerland:

0
36

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulalka Hungary Iyo Switzerland ayaa ku kulmi doona kulan ka tirsan Euro 2024 kana tirsan Group-ka A.

Labada xul ayaa kulanka u soo galaya sidii ay guul ugu bilaaban lahaayeen tartanka.

Xul kasta waxa uu isha ku hayaa 3-da dhibcood ee kulanka si ugu fududayso ka gudbista wareega Group-yada.

Kulanka: Hungary Vs Switzerland

Tartanka: Euro 2024

Wakhtiga: 4:00

Garoonka: RheinEnergieStadion

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon Oona midkii 2-aad ee dhexmar labada xul tartan weyn, 86 sano ka hor ayay ku kulmeen wareega 8 Dhamaadka koobkii dduunka 1938 waxana 2/0 ku badiyay xulka Hungary.

Switzerland ayaa badisay 6 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen ulka Hungary, markii ugu dambaysay ee ay guuldaro kala kulmeen ayaa hayd November 1998.

Labadii kulan ee ugu dambeeyay ee labada xul ayaa laga haliyay 2 gool iyada oo Hungary dhalisay 4 gool halka uu xulka Switzerland dhaliyay 8 gool.