Dowlad isbahaysi oo laga dhisay Koofur Afrika

0
26

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xisbiga hoggaamiyaha isbahaysiga dimuqraadiga ee Koofur Afrika ayaa mid taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska lagu dhisayo dowlad qaran oo mideysan oo ay la galeen xisbiga kongareeska qaranka ee Afrika. John Steenhuisen ayaa sheegay inay isbeddel cusub ka sameyn doonaan dalka.

Heshiiska oo ay ku jiraan axsaab kale ayaa la kala saxiixday kahor inta uusan baarlamaanku qaban kulankiisii ugu horreeyay tan iyo doorashadii xisbiga ANC uu ku lumiyay aqlabiyadda.

Heshiiskan ayaa waddada u xaaraya dib u doorashada Cyril Ramaphosa oo ay noqoneyso muddo-xileedkiisii labaad iyo kii ugu dambeeyay. Balse xilalka wasiirrada ayaa la qeybsan doonaan. John ayaa sheegay in heshiiska dhowaan la dhaqangelin doono.