Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Safiir Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka walaaltinimo ee joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan. Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xushmadda iyo qiimaha ay Soomaaliya u hayso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Suudaan, iyadoo la aqoonsaday taageerada Suudaan ay u fidisay Soomaaliya xilliyadii ay wajahday xaaladaha adag.
Waxaa SooJeedinaya:- Cabdiwali Tima Cadde.