Dad ku dhintay Hoteel ay daganaayeen oo uu dab ka kacay.

0
22

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Todobo qof ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii dab uu ka kacay hotel ku yaalla magaalada Bucheon ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Laba qof ayaa dhintay ka dib markii ay ka boodeen daaqadaha.

Dhibanayaal kale ayaa laga helay qolal ku yaal dabaqa 8-aad, halkaasoo la rumeysan yahay inuu dabku ka kacay cilad koronto.

Inkastoo dabka uusan ku fidin dhismaha oo dhan, hadana qasaaraha uu geystay ayaa ahaa mid aad u ballaaran, maadaama aysan qolalka ku jirin qalabka wax lagu rusheeyo.

Huteelkan oo ka kooban sagaal dabaq ayaa la dhisay sannadkii 2003-dii, ka hor inta aan la qorin shuruudaha rusheeyaha, sida ay sheegtay waaxda dab-damiska ee magaalada.

Booliiska ayaa baaraya in maamulayaasha hoteelka ay si uun u dayaceen.

Dadka dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa isbitaalka iyagoo qaba dhaawacyo halis ah, kuwaasoo qaarkood uu ka dhashay qiiqa ay nuugeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here