QM oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay Roobkii ka da’ay Soomaaliya

0
161

JOWHAR (Radioisnaay) Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Bini’adamnimada ee OCHA ayaa warbixin ka soo saaray khasaarihii ka dhashay roobkii dhawaan ka da’ay meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa waxaa lagu soo bandhigay in roobka oo daadad watay uu sababay inay dhintaan 25 Ruux oo ay ku jiraan sagaal caruur ah oo dhintay ka dib markii gurigoodii ku fatahay Biyaha Roobka Magaalada Muqdisho iyo afar qof oo ku dhimatay danab ka dhashay Puntland 5tii Bishii Maajo.

Sidoo kale OCHA ayaa sheegtay in roobkii ka da’ay Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ay sababtay inay barakacaan 25,000 oo Qoysas kuwaaso kunoolaa 15 tuulo oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Dhinaca kale Hay’adda FAO ayaa ka digtay halista ugu dhow ee daadad aan hore loo arag oo laga filayo webiga Shabeelle maalmaha soo socda iyo walaaca laga qabo in uu saameeyo dadka ku nool Beled Weyne iyo webiga jiinkiisa.

Warbixinta OCHA ayaa sidoo kale lagu xusay in wabiga jubba uu jabiyay dhanka Doolow, isagoo gaaray 4.70 mitir, kaasoo 20 mitir ka sareeyaa heerka fatahaada dhexdhexaadka ah, isla markaana uu ku fatahay sadex tuulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here