Dab Khasaare geystay oo ka Kacay Isbitaal ku yaala Magaalada Baqdaad.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay dab ka kacay isbitaal lagu daweynayay bukaanada feyriska Corona o ku yaalla caasimada Ciraaq, Baqdaad.

Toboneeyo kale ayaa ku dhaawacmay dabka oo ka kacay isbitaalka Ibnu Khatib.

Inta badan bukaanada ayaa dhintay ka dib markii laga saaray mashiinadii ka saacidayay neefsashada,

Wararka ayaa sheegaya in shilkan u ka dhashay mid ka mid ah haamaha oksijiinta oo qaraxday ka dib-na uu dab ka dhashay.

Muuqaalo fiidiyoow ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya shaqaalaha dabdamiska oo la daalaa dhacaya daminta dabka dadkuna ay ka cararayaan dhismaha.

Raiisel wasaaraha Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sababaha ka dambeeyay waxa uu ugu yeeray”dhacdadan naxdinta leh”.

Madaxa Difaaca Madaniga ah ee Ciraaq, Sarreeye Gaas Kadhim Bohan, ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in dabka uu ka kacay qeybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka.

Illaa iyo hadda, shaqaalaha gurmadka degdegga ah waxay badbaadiyeen 90 ka mid ah 120 bukaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee INA.

Qiyaastii “30 bukaan ayaa ku jiray qaybta daryeelka degdegga ah”, taas oo loogu talagalay kiisaska ugu daran ee Covid-19 ee Baqdaad, waxaa sidaasi u sheegay wakaaladda wararka ee AFP ilo wareedyo ka so baxay isbitaalka.

Dhaawacyada iyo bukaanada aan waxyeello gaarin ayaa waxaa loola cararay isbitaalada kale ee ka agdhow isbitaalka Ibnu Khatib.

Difaaca madaniga ah ee Ciraaq ayaa sheegay in dabka la xakameyay saacadihii hore ee Axada.

Tirada uu soo ridanayo feyriska Corona ee dalka ciraaq ayaa si xawli ah u sii kordhaysay tan iyo bishii Febraayo, waxaana ay toddobaadkan tirada ay gaaray 1 milyan oo kiis.

Wasaaradda caafimaadka dalka Ciraaq ayaa diiwaan galisay wadar ahaan 1,025,288 kiis oo ah cudurka cora , halka ay cudurka u dhinteen 15,217 oo qof tan iyo markii uu cudurkan ka dilaacay dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here