Xukun lagu Riday Sarkaalkii Dilay George Floyd oo Madow ahaa.

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah.

Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May.

Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil.

Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd.

Ninkaas ayaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta la xukumayo waxaana suurta-gal in tobonaan sano uu xabsiga ku sii jiro.

12-ka qof ee xeer beegtida ah ayay maalin ka yar ku qaadatay in arrintaan ay go’aan ka gaaraan, kaddib maxkamadayn socotay muddo saddex toddobaad ah oo qalalaase ka abuurtay Minneapolis.

Kaddib markii labada dhinacba ay Isniintii soo bandhigeen doodooda, ayay xeer beegtidu waxay ku kaliyaysteen hoteel cidla ah oo aan la oggolayn in wax xiriir ah lagala soo sameeyo bannaanka si ay kiiskaan go’aan uga gaaraan.

Xeer-beegtida ayaa si aqlabiyad leh isugu raacday go’aanka waxaana lagu war geliyey in aanay guryahooda u hoyan tan iyo inta ay go’aan gaarayaan.

Go’aanka xeer-beegtida ka soo baxay ayaa dabbaal-degyo ka abuuray bannaanka maxkamadda, ayadoo boqolaal qof oo halkaa ku sugnaana ay si weyn ugu farxeen markii uu go’aanku soo baxay.

Qareenka qoyska Floyd, Ben Crump, ayaa sheegay in maanta ay “maalin taariikhi ah” u tahay Marayakanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here