Tijaabada Talaalka Ka Hortaga Cudurka Corona Virus oo lagu Guuleystay.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tallaakan ay laba shirkadood si wada jir ah u soo saareen ayaa la sheegay inuu awood u leeyahay 90% inuu ka hortagayo qofka inuu ku dhaca Faayraska Corona.

Shirakadaha soo saaray dawada ee Pfizer iyo BioNtec dawadan cusub ee ay heleen iney Saayniska iyo bani aadamkaba ay fursad wanaagsan u tahay.

Shirkaduhuna waxay sheegeen tallaalka iney ku tijaabiyeen 43,500 oo qof oo ku nool seddex dal lagu tijaabiyey aanna lagu arag tallaalkaasi wax saameyn caafimaad uu ku keenay dadki lagu tijaabiyey.

Shirkaduhuna waxay sheegeen tallaalkan la tijaabiyey si loo isticmaalo bishan November iney codsigooda oggolaashaha u gudbiyeen cidda ay quseyso.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO waxay sheegtay tijaabada tallaal aad u badan iney socdaan, hase yeeshee tallalkan tijabadiisa lagu guuleystay uu yahay kii ugu wanaagsanaa ee la soo saaray.

Tijaabooyinka tallaal ee hadda ka hor la sameeyey waxay ahaayeen kuwa horseedi jiray dhibaatooyin kale balse, tallalkan uu la falgalo cudurka taasoo sababeysa inuu difaaca jirka uu sare u kaca sidaasina uu ula dagaallamo Faayraska Corona ee jirka ku jira.

Tijaabada labaad ee tallaalkan lagu sameeyeyna wuxuu socday seddex toddobaad oo isku xigta.

Tijaabada lagu sameeyey dalalka Mareykanka, Jarm500alka, Brazil, Argentina, Koonfur-Afrika iyo Turkiga ayaana lagu ogaaday 90% tallaakan inuu cudurka uu ka hortgayo.

Shirkadaha Pfizer iyo BioNtec ee tallaalkan soo saaray waxay sheegeen ilaa iyo dabayaaqada sanadkan iney soo saarayaan 50 malyan oo tallaal ah, halka 2021-kana ay sTAllaoo saarayaan taallaal gaaraya 1.3 balyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here