Maxaad kala Socotaa Magacyada Tababareyaasha Shaqada laga Ceyrindoona.

0
120

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ahaa weli ah ninka ugu cadcad ee shaqadiisa weyn doona horyaalka Premier League inkastoo Red Devils ay 3-1 kaga badisay Everton.

Solksjaer ayaa gaaray guushii ugu horeysay ee Man united ee Premier League ka dib seddex kulan oo ay badin waayeen laakiin weli wuxuu qarka u saaran yahay in la ceyriyo.

Shirkada qamaarka ee Betfair ayaa kaalinta koowaad weli ku heysa Ole Gunnar Solskjaer tababaraha ugu horeeya ee la ceyrin doono xilli ciyaareedkan.

Man United waxay haatan ku jirtaa kaalinta 14aad horyaalka Premier League ka dib markii ay badiyeen kaliya seddex kulan todoba kulan oo ay ciyaareen xilli ciyaareedkan.

Solskjaer ayaa noqon doona tababarihii afaraad ee Manchester United ee la ceyriyo tan iyo markii Sir Alex Ferguson uu ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2013.

Isbuucii la soo dhaafay Mauricio Pochettino ayaa lala xiriirinayay inuu noqonayo tababaraha cusub ee Man United haddii Solskjaer la ceyriyo.

Tababaraha West Brom Slaven Bilic ayaa ah tababaraha labaad ee ugu cadcad in la ceyriyo.

West Brom ayaa ka mid ah seddex kooxood oo aan weli guul gaarin xilli ciyaareedkan inkastoo ay ku jiraan kaalinta 18aad madaama ay seddex barbaro galeen.

Macalinka Fulham Scott Parker ayaa isna ah ninka seddexaad ee ugu cad cad in la ceyriyo inkasto ay 2-0 ku garaaceen West Brom guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Tababaraha kooxda Burnley Sean Dyche ayaa isna ah ninka afaraad ee ugu cadcad in la ceyriyo ka dib markii ay kooxdiisa labo dhibcood kaliya heshay xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here