Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle Oo Sheegtay In Dowlada Soomaaliya Ka Heleen Qalabka Lagu Baaro Xannuunka Covid19.

0
191

Waxaa isa soo taraya agabyada Caafimaad ee looga hortago Xanuunka Covid19 ee Wasaarada Caafimaadka Hireshabelle ay ka heleeyso Wasaarada Caafimaadka Dowlada Faderaalka Soomaaliya taas oo looga gol leyahay in lagu ilaaliyo badqabka Bulshada Deegaanada Hirshabelle.

Waasarada Caafimaadka Maamulka Hirshabelle ayaa Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya kala wareegatay markii ugu horeeysay Qalab lagu baaro Cudurka Covid19 oo jowhar la soo gaarsiyey iyado markii hore Dheecaanada laga qaado Dadka loga shakiyo Cudurka Covid19 loo qaadi jiray Magaalada Muqdisho.

Dr Muxudiin Muqtaar Oo ah Wasiir Dowlaha Caafimaadka Hirshabelle oo lawareegay agabkan ayaa xusay in farxad ay utahay Hirshabelle iney hesho qalabkii lagu baarayey xanuunka covid19

Warbixintaan Waxaa inoo Soo Jeedinaaya:- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here