Qaramada Midoobay oo ka deyrisay Xaaladda Nololeed ee Caruurta Kunool Dalka Yemen

0
169

Hay’adaha Qaramada Midoobay uqaabilsan  gargaarka kuwa ugu waawayn midkood ayaa ka dayrisay in malaayiin caruur reer Yemen ahi ay macluul qarka u saran yihiin maadaama oo uu jiro “hoos u dhac weyn” oo ku yimid gargaarkii Bini,aadanimo ee ay heli jireen sababo laxiriira Faafidda Covid-19.

Unicef ayaa sheegtay in ay u baahantahay ku dhawaad nus bilyan doolar oo gargaar ah si ay u badbaadiso caruurta dalkaas oo ay Qaramada Midoobay shaacisay in ay ka jirto duruuftii ugu ba’nayd ee aadanimo dunida.

Qiyaastii laba milyan oo caruur ah ayaa nafaqo darro xumi ku haysataa dalka Yemen oo uu ragaadiyey Colaado  shan sanadood ka Jira Dalkaasi.

Unicef waxay sheegtay in hadii aanay helin 54.5 milyan oo doolar dabayaaqada bisha Aogost, in ku dhawaad 23500 oo caruur ahi ay u dhiman karaan nafaqo darrada haysata Malaayiin kale ayaa iyaguna heli dooni cuntada nafaqada leh iyo fiitamiinada ama tallaalka lagaga hortago cudurrada dilaaga ah, ayey digniinta ku sheegtay hay’addu Waxa kale oo ay sheegtay in 19 milyan oo qof oo ay ku jiraan hal milyan oo dumar uurlihi ama caruur nuujinaya ay sidoo kale waayi doonaan adeega caafimaad hadii aan deeqdaan  lacageed loo helin.

“Kama badbadinayno xaddiga xaaladda duruufta haysata caruurta dalkan ay ka jirto duruufta aadanimo ee ugu ba’an dunidu ee dagaalka ugu jira Covid-19 sidii uu uga badbaadi lahaa” ayey tidhi Sara Beysolow Nyanti, madaxa Unicef ee Yemen” Waxaanay intaa ku dartay “hadii aanu heli weyno deeq lacageed oo degdeg ah, caruurtu waxay halis u yihiin macaluul kuwo badanina waabay u dhiman doonaan” Hay’addu waxay sheegtay in ay u baahantahay 53 milyan oo doolar oo kale oo ay wax kaga qabato fayraska korona ee dalka Yemen ku fidaya.

Qiyaastii 1000 iyo dheeraad qof oo cudurka qaaday iyo 288 dhimasho ah ayaa laga xaqiijiyey gobollada xukuumaddu gacanta ku hayso iyo tiro intaa wax yar uu ka hoosaysa meelaha ay fallaagadu gacanta ku hayaa in kasta oo la rumaysanyahay in tiradu intaa aad uga badantahay  Tan iyo 2015 Yemen waxa halakeeyey colaad keentay in malaayiin qof ay waayaan adeeg hagaagsan oo caafimaad, biyo nadiif ah yo fayo dhowrka guud kuwaas oo lama huraan u ah ka hortagga fiditaanka fayraska Adeegga caafimaad ee dalka ayaa gebi ahaan ba burburay taasina waxay keentay in waxba uu ka qaban kari waayo safmarkan socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here