JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hambalyo u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinta Hirshabeelle Munaasabadda 15-ka May oo ku beegan Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sanad guurada 78-aad ee aasaaskii Ururkii Gobanimo doonka SYL oo maanta loo dabaal degayo.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in Dhallinyaradu udub dhexaad u ahaayeen xoreynta Dalka iyo Tiirka Dowladnimadeena, waxa uuna kula dardaarmay inay gacmaha is qabsadaan oo ay u istaagaan Horumarka iyo Nabada Dalka si uu u hagaago Mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo socda maadaama ay bulshada maanta ka yihiin 75%.