Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani

0
181

JOWHAR (Radioisnaay) Madaxweynaha dalka Kenya  Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay  dhambaal qaas ah oo uga yimid amiirka dowlada Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Farriinta Amiirka waxaa Madaxweynaha Kenya u soo diray Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidoo kale sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaliya & Kenya oo blihii la soo dhaafay mad madow xoogan uu ka dhex-jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here