Xulka Somaliya Ee 17 Jirada Oo Bilowday Koobka Africa & Natiijada Kulankii Ay La Ciyaareen Xulka Algeria.

0
75

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Somaliya ee 17 Jirada ayaa bilowday tartanka Koobka qaramada Africa ee xiddigaha da’yarka ah waxana ay la ciyaareen kulan xiiso leh xulka marti galinaya tartanka ee Algeria.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Algeria ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo maamulayay ciyaarta isla markaas samaynayay fursadaha xilli xulka Somaliya si dagan u ciyaaray lana qabsanayay ciyaarta.

Xulkeena Somaliya ayaa ciyaarayay ciyaar rogaal celis ah xilli ay xulka Algeria u daayeen in ay maamulaan ciyaarta.

Dhinaca daafaca xulka Somaliya ayaa ahaa mid aad u adag iyaga oo si fiican u difaacanayay goolkooda isla markaas u diiday Algeria in ay sameeyaan fursado ay gooal ku dhalinayaan.

Waxa jiray xiddigo Somaliya u ciyaarayay oo dhibay xulka Algeria isla markaas farsoomin cajiib ah ku soo bandhigay ciyaarta.

Goolhayaha Somaliya ee Ali ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah oo uu xulkiisa ciyaarta ugus ii hayay xilli xulka Somaliya ku dhibaatoonayay in ay sameeyaan fursado.

Image

Xilka Algeria ayaa daqiiqadii 22-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Moslem Anatouf kaas oo hogaanka u dhiibay xulka Algeria kana faa’iidaystay khalad ka dhex dhagay xddig Somaliya ah iyo Goolhayaha Somaliya.

Xulka Somaliya ayaa marar badan tijaabiyay Goolka xulka Algeria laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka fursadaha ay helayeen xulka Somaliya.

 

 

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1/0 uu xulka Algeria ku hogaaminayo ciyaarta laakiin uu xulka Somaliya iska caabin sameeyay waliba marar badan u dhawaadeen in ay dhaliyaan goolka bar-baraha.

Waxa ay qaybta dambe ku bilaabatay xulka Somaliya oo isla markiiba weerar qaaday iyaga oo doonayay in ay ku soo laabtaan ciyaarta isla markaas dhaliyaan goolka bar-baraha.

Image

Xulka Somaliya ayaa waxoogaa cadaadis saaray xulka Algeria iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha ee ciyaarta.

Laakiin daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Algeria dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Moslem Anatouf kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay xulka Somaliya ayaa kubada la qaybsaday xulka Algeria kuwaas oo bilaabay in ay ciyaaraan weeraro rogaal celis ah kana faa’iidaysanayay weerarka ay soo qaadeen xulka Somaliya.

Xulka Somaliya ayaa helay fursado cajiib ah oo ay ku dhalin kareen goolal laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay gool u badalaan fursadihii ay helayaan.

Xulka Algeria ayaa dhinacooda helay fursado laakiin waxa hor istaagay Goolhayaha xulka Somaliya oo difaacday goolkiisa una diiday xulka Algeria in ay intaas ka badiyaan goolasha.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Algeria garaacay xulka Somaliya kulanka furitaanka koobka xiddigaha da’yarka ah ee qaarada Africa ee ka socda dalka Algeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here