Xulka Qaranka Somaliya Oo Wareega Group-yada Looga Reebay Koobka Africa Ee 17 Jirada.

0
81

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka Somaliya ayaa laga reebay tartanka Africa ee 17 jirada kadib guuldaro ay kala kulmeen xulka qaranka Senegal.

Kulanka ayaa ahaa mid gabi ahaan loo awood sheegtay wiilasha Somaaliyeed kuwaas oo aan hal mar madaxa kor u qaadin.

Xulka Senegal ayaa ka awood badnaa Wiilasha Somaliya iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah intii ay ciyaartu socotay.

Daqiiqadii 8-aad ayuu xulka Senegal helay goolka 1-aad waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Somaliya ee Said Mohamed Abdi kaas oo hogaanka u dhiibay xulka Senegal.

Xulka Senegal ayaa wax walba kaga fiicnaa xulka Somaliya kuwaas oo xitaa awoodi kari waayay in ay fursad sameeyaan ciyaarta oo dhamaystiran.

Daqiiqadii 33-aad ayuu xulka Senegal dhaliyay goolka 2-aad waxana ay ciyaarta ka dhigay 2/0 uu xulka Senegela ku hogaaminayo ciyaarta.

Xulka Somaliya ayaa isku dayay in ay fursado sameeyaan laakiin waxa ka awood badnaa xulka qaranka Senegal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here