Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle oo Maanta  la Dhaariyay. 

0
226

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – 99 Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu Dhaariyay Xarunta Baarlamaanka uu Ku Leeyahay  Magaalada Jowhar.

Hoolka lagu Dhaarinaayay Xildhibaanada Waxaa ku Sugnaa Sii Haayaha Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle Gudiga Farsamada ee Soo Xulista Xildhibaanada iyo Masuuliyiin kale.

Mudaneyaasha Cusub ee Golaha Wakiilada Hirshabeelle oo u Badnaa Dhalinyaro ayaa Waxaa Dhaariyay Gudoomiyaha Maxmkamada Racfaanka Gobolka Shabeellaha Dhexe Shiikh Cali Cabdulle Nuur.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Xaliima Cali Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here