Xidigga Real Madrid ee Vinicius Junior oo si weyn uga carooday cunsuriyad lagula kacay

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Spain ee Real Madrid, ayaa dacwad naceyb ah gudbisay, kaddib markii weeraryahankooda Vinicius Junior uu aflagaado cunsuriyad ah kala kulmay taageerayaasha mucaaradka.

Ciyaartii Axaddii dhexmartay Real iyo Valencia ayaa muddo kooban la hakiyay ka dib markii uu xiddiga reer Brazil oo madow ah uu ugu baaqay garsooraha inuu soo dhex galo.

Horyaalka Spain ayaa sheegay in ay baari doonaan dhacdada, laakiin waxa ay sheegeen in Vinicius uu ku guuldareystay in uu ka qeyb galo laba kulan oo hore, oo loo dejiyay in looga hadlo arrintan.

Ciyaarta ka dib, madaxweynaha Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin in ilaa qarnigii labaatanaad ay u muuqato inay cunsuriyadda ku sii xoogaysanayso garoomada kubadda cagta Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here