Xiddigii Chelsea Mushaharka Badan Ka Qaadan Jiray Oo Darbi-jiif Noqday.

0
74

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Adduunyadu wa gellinba cayn, qof kastaana waxa uu qaadaa dariiq loo qoray, laakiin dedaalka iyo shaqada laguma qado, waxaana uu Allah cid kasta ku abaal-mariyaa dadaalka ay la timaaddo

Sannadkii 2011, Carlo Ancelotti oo aha tababaraha Chelsea ayaa ugu yeedhay ciyaar ka tirsanayd tartanka Champions League oo ay la ciyaarayeen MSK Zilina, waxaanu kusoo galay beddel, balse hadda oo ay da’diisu tahay 32 jir, waa darbi-jiif ay noloshu ku adag tahay.

Jacob Mellis oo ka mid ahaa da’yarta Chelsea ee kasoo baxday kulliyaddeeda, isla markaana toddobaadkii mushahar u qaadan jiray £8,000 Gini ayaa hadda hoy la’aan ah, waxaana uu yahay darbi-jiif ka tuugsanaya/dawarsanaya dariiqyada.

Laacibkan hore ayaa waxa noloshiisa dilay mukhaadaraad gaadhsiiyey in uu sii wadan kari waayo xirfaddiisii kubadda cagta ee sababta in isaga oo ay da’diisu yar tahay ay Chelsea u quudho £1 milyan oo Gili oo ay kaga soo iibsatay Sheffield United, ka hor intii aanay tayadiisu sare ugu sii kicin kooxda da’yarta Blues oo uu la gaadhay finalka FA Youth Cup.

Markii uu Chelsea ka tegay waxa uu u wargeegay Barnsley oo uu heerka saddexad iyo afraad ula dhacay, balse hadda oo uu 32 jir yahay waxa uu ku jiraa dhibaato weyyn.

“Maalin kasta waxa uu ku qaataa khamri iyo maandooriyeyaal aan cabbayo. Waxa aan leeyahay qoys balse ma doonayo in aan ku tiirsanaado iyaga, waxa aan doonayaa in aan isku dayo in aan naftayda dib usoo kabo, waxa aan ku jiraa waqti adag. Waxa aan isku dayaa in aanan aad u fekerin.” Ayuu u sheegay wargeyska Daily Mail.

“Qoyskaygu waxay isku dayaan in sida ii wanaagsan ii sameeyaan. Waxay isku dayaan in ay i caawiyaan inta karaankooda. Xataa nafahooda ayay ii hurayaan. Waxay i dejiyaan hotelo amaba waxa aan joogi karayaan guryahooda mararka qaarkood. Maalinba maalinta ka dambaysa, noloshaydu way soo kabanaysa. Waxa aan rajaynayaa in aanay mar dambe igu dhici doonin. Ma aanan qorshaynn in aan ka fadhiisto kubadda cagta, wayna adag tahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here