Xiddiga reer Argantina Sergio Aguero oo Heshiis Saxiix ah Galaya.

0
193

    Jowhar(Radio-isnaay) Mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa ku fikireysa inay la saxiixato xiddiga reer Argantina ee Sergio Aguero, maadaama la xaqiijiyay inuu ka tagayo Man City.

Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa soo bandhigtay dalab ay ku dooneyso inay ku hesho adeega xiddigga reer Argantina ee Sergio Aguero.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Paris Saint-Germain ay dooneyso inay la saxiixato Sergio Aguero, dhamaadka xilli ciyaareedkan kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa Manchester City.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa si rasmi ah u shaacisay in xiddigooda reer Argantina ee Sergio Aguero uu ka tagayo safka Kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka haatan socda.

Si kastaba ha noqotee, Sergio Aguero ayaa ka qayb qaatay 384 kulan uu u ciyaaray kooxda Man City tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda reer Spain ee Atletico Madrid sanadkii 2011, wuxuuna inta lagu gudi jiray mudadan ku dhaliyay 257 gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here