Xaflada Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Caawa Dhacaysa.

0
129

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Caawa dhammaan indhaha mucaashaqiinta kubadda cagta ayaa noqon doona kuwo kusii jeeda magaalada Paris iyagoo halkaas ka daawan doona munaasibada lagu bixinayo abaalmarinta xiddiga sanadka ee Ballon d’Or ee majalada France Football bixiso.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku dhawaad la isku raacay inuu yahay midka ugu mudan oo la filayaa inuu la hoydo caawa abaalmarinta.

Markii ugu horreysay sanadkan Ballon d’Or iyo abaalmarinaha kale ayaa lagu salayn doonaa xilli ciyaareedka waxqabadkiisa oo kaliya halka sanadihii hore lagu salayn jiray sanadka. Tusaale ahaan October oo Ballon d’Or-tii hore la bixiyay ilaa October-tan waxqabadka ciyaaryahankaas.

Waxa xusid mudan in hadal haynta ugu weyn sanadkani tahay in weeraryahanka PSG ee Lionel Messi oo ah shaqsiga rekoodhka toddobada jeer ah haysta abaalmarintaasi uusan sanadkan xataa 30-ka sarre kusoo bixin.

Abaalmarinta da’yarka sanadka ee Kopa Trophy ee sanadihii ugu dambeeyay lasoo kordhiyay ayay ugu cad cad yihiin da’yarta Real Madrid iyo Barcelona ee Eduardo Camavinga oo sanadkii hore saddex koob ka caawiyay kooxdiisa iyo Pablo Gavi.