WHO oo war kasoo saartay nooca cusub ee Korona ee caalamka gilgilay

0
225

JOWHAR (Radio isnaay)- Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha caafimaadka WHO ayaa sheegtay in feyraska cusub ee Karoona ee Omicron uu halis ku hayo caalamka xilli ay isa soo tarayaan kiisaska cudurkan.

Ha’yadda waxay sheegtay in feyraskan cusub uu dhibaata daran ku reebi kara gobollada qaar.

Madaxa WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa soo jeediyay baaq hor leh oo ku aadan in dalalka saboolka ah la gaarsiiyo tallaalka looga hortaggayo cudurka.

Wuxuu ka digay in weli uusan dunida ka dhammaanin cudurka Covid-19.

Feyraskan cusub ayaa horraantii bishan laga helay dalka Koonfur Afrika, caddeymaha waxay muujinayaan in si xooggan uu faafi karo cudurka.

Koonfur Afrika waxaa lagu ammaanay sida deg deg ah ay usoo tebisay kiisaska.

“Feyraska Omicron isbaddalo aan horey loo arag ayuu sameeyaa, qaarkood waa kuwa walaac leh” ayay tiri WHO.

Nooca cusub ee cudurka Covid-19 ee laga helay dunida ayaa ah mid isbaddalayo oo xitaa mid kamid ah seynisyahanada wuxuu ku tilmaamay ‘mid argagax leh’ halka khuburrada qaar ay sheegayaan in uu yahay kii ugu xumaa abid ee la arko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here