Wasaaradda Waxbarashada oo tababar u soo xirtay Macallimin

0
231

JOWHAR (Radio isnaay) Agaasimaha Waaxda Horumarinta Adeegyada Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray, 274 Macallin oo ka mid ah Macallimiinta Dugsiyada Dowladda, kaasi oo soconaayay muddo 12 moolmood ah.

Tababarkani ayaa ujeeddadiisu aheyd sidii loo horumarin lahaa xirfadaha macallinimo ee barayaasha Dugsiyada dowladda, ayadoo shahaadooyin la guddoonsiiyay Macalimiinti ka soo qeyb gashay tababarka, taasi oo cadeyneysa waxa ay ka barteen muddadii uu tababarka u socday .

Tababarada noocaan ah ayey Wasaaradda Waxabarashada uga gol-leedahay tayeynta Macalimiinta Soomaaliyeed si ay u helaaan aqoonta, xirfadaha lagama maarmaanka ah ee looga baahan yahay barayaasha dal walba.