Waa kuma ciyaartoyga la xiray ee Mancheter United Ka tirsan?

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay Mason Greenwood weeraryahahnka 21 jirka ah ee u ciyaara kooxda Manchester United iyadoo loo heysto in uu jebiyey xaalad dammiin ah oo uu bannaanka ku joogay.

Ninkan ayaa loo xiray iyadoo looga shakisan yahay in uu geystay kufsi iyo weeerar bishii Jannaayo.

Waxaana sidoo kale su’aalo laga weydiiyey sheegashooyin ku saabsan in uu sameeyey hanjabaad dil ah.

Greenwood,oo aan ka soo muuqan xulkii England ayaan la eedeyn dammiintiisana waxaa la kordhiyey bishii Juun

BBC ayaa ogaatay xariggaan ugu dambeeyey in uu ka dhacay gurigiisa oo ku yaalla Bowdon oo ka tirsan Mancherster-ta weyn ( Greater Manchester).

War ay soo saareen boliiska ayaa in ay ogaadeen eedeymo sheegaya in ninkani 21 jirka ah uu jebiyey xaaladda dammiintiisa sidaasna loo xiray maanta oo Sabti ah.