Uk oo muwaadiniinteeda kala baxday Sudan

0
40

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Diblomaasiyiin British ah iyo qoysaskooda ayaa laga soo daadgureeyay dalka Suudaan iyagoo ku guda jira howl-gal aad u adag oo degdeg ah, sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak.

Mr Sunak ayaa sheegay in ay sii wadayaan shaqada si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta British-ka ah ee ku haray Suudaan.

Dadka la soo daadgureeyay ayaa la geeyey garoon ka baxsan magaalada Khartoum si ay dalka uga duulaan, sida uu BBC-da u sheegay xoghayaha difaaca Ben Wallace.

Rabshado xooggan ayaa todobaadkii hore ka dhacay magaalada Khartoum ee u dhexeeya laba ciidan oo iska soo horjeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda James Cleverly ayaa intaa ku daray in dowladdu ay habeen walba ka shaqaynayso sidii ay u dhexdhexaadin lahayd taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dhiigga daadanaya ee Suudaan.