Turkiga oo Sheegay in Sanadkan Dayax-Gacmeed Isgaarsiineed loo Diri doono Hawada Sare.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay inay sanadka soo socda Hawada Sare u diri doonaan Dax-gacmeedka  Türksat 6A satellite.

Waxa uu hadalkaasi ka sheegay Munaasabadda Hawlgelinta Dayax-Gacmeedka kale ee Turksat 5A oo lagu qabtay Degmadda Gölbaşı oo 20-KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda Turkiga ee Ankara.

Erdogan waxa uu tilmaamay in ay Turkiga ka mid noqon doonaan 10-ka Waddan ee Caalamka ee soo saara Dayax-gacmeedyada Isgaarsiinta, iyadoo  Dayax-gacmeedka Türksat 5A satellite oo Hawada loo diri doono dabayaaqada sanadkan uu ka shaqeyn doono dalal ku yaalla Eruope, Bariga Dhexe iyo inta badan dalalka Afrika, oo aysan ku irin Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dhinaca kale, Dayax-gacmeedka Türksat  waxa uu bixin doonaa Adeegyada Baainta Telefishinada ee Europe, Bariga Dhexe iyo Qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here