Tababare Kale Oo Premier League Laga Caydhinayo & Rafa Benitez Oo Soo Laabanaya.

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sanadkan kooxaha horyaalka Premier League ayaa u muuqda kuwo aan wax samir ah haynin oo si deg-deg ah shaqada uga caydhinaya tababarayaashooda haddii aysan natiijooyin wanaagsan keenin.

Habeen hore ayay ahayd markii Wolves ay caydhisay tababaraheedii Bruno Lage halka ay hore tababare bedelaad u sameeyeen Chelsea iyo Bournemouth.

Sidoo kale waxa culays saaran yahay macalimiinta kooxaha Leicester City (Brendan Rodgers), Aston Villa (Steven Gerrard), West Ham (David Moyes) iyo xataa Liverpool (Jurgen Klopp).