Siyaasi iyo xaaskiisa oo lagu eedeeyey iney dadka xubnaha kala baxaan oo xabsi la dhigay

0
69

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Siyaasi hantiile ah oo reer Nayjeeriya ah, xaaskiisa iyo ruux kale ooh awl la waday, ayaa loo xiray dambi ah ka ganacsiga xubnaha jirka, ka dib markii ay ruux geeyeen UK, kaasoo ay ka qaadeen magaalada Lagos.

Senator Ike Ekweremadu, oo 60 jir ah, iyo xaaskiisa Beatrice, 56 jir ah, ayaa kaliyo cusub u baadi goobayay gabadhooda 25-jirka ah ee Sonia.

Labadan qof iyo Dr Obinna Obeta, oo 50 jir ah, ayaa horay looggu helay dambi ah inay maleegayeen ka faa’iidaysiga ruuxa laga keeney magaalada Lagos.

Waxaa la sheegay inay tahay kiiskii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah, marka loo eego shuruucda addoonsiga ee casriga ah.

Ike Ekweremadu, oo uu garsooruhu ku tilmaamay in uu yahay “qofka ka danbeeya arritani” ayaa lagu xukumay sagaal sano, iyo siddeed bilood oo xarig ah.

Dr. Beatrice Ekweremadu, ayaa iyana waxaa lagu xukumay afar sano iyo lix bilood, sababo la xiriira ku lug lahaanshaheeda xadidan.

Dhibbanaha, oo ah nin sabool ah oo ka ganacsada waddooyinka magaalada Lagos, ayaa loo keenay UK si uu kelli ugu bixiyo gabadha Ekweremadus.

Waa uu cararay isaga oo naftiisa u baqaya, oo waxa uu galay saldhig booliis sanad ka hor, si uu uga warbixiyo waxa dhacay, ka dib markii isbitaalka Royal Free uu joojiyay hawlihii gaarka ahaa, ee ku kacayey £80,000.