Shirkadda Meta oo lagu eedeeyay in xogta Yurub ay u gudbisay Mareykanka

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda teknolojiyadda, Meta ayaa lagu ganaaxay in ka badan hal bilyan oo doollar kaddib markii ay si sharci darro ah xog uga soo gudbisay Yurub una gudbisay Mareykanka.

Shirkadan oo leh Facebook iyo Instagram ayaa lagu helay inay jabisay sharciyada Midowga Yurub ee ilaalinta xogta.

waxaa laga cabsi qabaa in macluumaadka isticmaalayaasha ay galaan hay’adaha sirdoonka Mareykanka.

Meta ayaa horay ugu hanjabtay inay xireyso adeegyada Facebook ee Yurub haddii aysan helin heshiis lagu qanco oo ku saabsan qulqulka xogta.

Afhayeen u hadlay shirkadda Global Affairs, laguna magacaabo Nick Clegg ayaa sheegay in ay “ka xun yihiin” ganaaxa lagu soo rogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here