Shir Looga Hadlayo Isbedalka Cimilada Oo Ka Furmay Scotland

0
161

JOWHAR (Radio isnaay) Waxaa maanta ka furmay magaalada Glasgow ee Scotland shir weyne looga hadlayo isbadalka cimilada iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Ergooyiin ka kala socda ilaa 200 oo dal ayaa halkaas ku sugan si ay uga wada-hadlaan qaabka loo dhimi karo qiiqa hawada wasaqeeya marka la gaaro sanadda 2030.

Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha in sida ugu wanaagsan ay uga faa’iidaystaan shirwaynahan.

Dhacdooyinka lala xiriirinayo isbeddelka cimilada – waxa ka mid ah kuleylka xad-dhaafka ah, fatahaadaha iyo dababka ka kaca keymaha oo sii kordhaya.