Sharoobada Qufaca oo ay Caruur Badan ugu dhinteen dalka Uzbekistan.

0
88

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Shirkad laga leeyahay dalka Hindiya ayaa joojisay soo saarista sharoobada qufaca kadib markii Uzbekistan ay sheegtay inay ku dhinteen ugu yaraan 18 caruur ah.

Wasaaradda caafimaadka Uzbekistan ayaa sheegtay in qayb ka mid ah sharoobada Doc-1 Max laga helay maaddo sun ah oo loo yaqaanno ethylene glycol.

Bishii October, ayay ahayd markii masuuliyiinta caafimaadka Gambia ay sheegeen in sharoobada qufaca oo lagu farsameeyay dalka Hindiya ay ku dhinteen ugu yaraan 70 caruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here