Shacabka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo u dareeray goobaha codeynta.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dadka Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday.

Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaankaasi ayaa dadka ku nool waxa ay haatan bilaabeen inay u soo baxaan doorashada si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada wakiillada golaha deegaanka iyo xildhibaannada deegaankaasi ku matali doona baarlamaanka federaalka ee Itoobiya.

Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here