Real Madrid Oo Talyaaniga Ka Heshay Beddelka Karim Benzema.

0
95

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo raadinaysa weeraryahankii u beddeli lahaa Karim Benzema oo ay da’diisu sii weynaanayso ayaa waxay calaamadsatay xiddig ka ciyaara horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, kaas oo ah laacib ay kooxo badan u gacan haadinayaan oo sidoo kalena uu damac kaga jiro Barcelona.

Real Madrid ayaa waxay heshiis cusub oo soconaya illaa sannadka 2024 ka saxeexaysaa Karim Benzema oo 35 jir ah, waxaana loo arkaa in wixii intaa ka dambeeya ay adkaan doonto in uu sii ahaado weeraryahanka kali ah ee ay kooxdu isku hallaynayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here