Real Madrid Oo Silcisay Toban Ciyaartoy Oo Chelsea Ah.

0
66

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 2-0 ku garaacday Chelsea lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, kulan ay Blues ku dhamaysatay toban ciyaartoy oo waqti hore casaan toos ah lagaga saaray difaaca reer England ee Ben Chilwell.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Marco Asensio ayaa Real Madrid siiyey guul weyn oo ay la tegi doonaan Stamford Bridge Salaasada toddobadka dambe.

Ciyaarta oo ay inta badan maamulaysay Real Madrid ayaa waxa si fiican ku bilaabatay Chelsea oo tobankii daqiiqadood ee ugu horreeyey fursado badan samaysay, laakiin intaa wixii ka dambeeyey waxay kubaddu gacanta u gashay Real Madrid, balse fursadahoodii badnaa waxa badbaadiyey goolhaye Kepa Arrizabalga oo haddii aanu joogi lahayn ay Blues dhib atoon lahayd.