Real Madrid oo Dhamaystirtay Saxiixa Eduardo Camavinga.

0
266

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee saxiix cusub samaysa maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxda Rennes kala heshiiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga.

Saxafiga Fabrizio Romano Ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid iyo Rennes ka heshiiyeen saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga kaas oo ay kooxdu ku xoojinayso khadka dhexe.

Kooxda Real Madrid ayaa laga aqbalay dalab dhan 31 milyan oo euro iyo lacago guno ah waxana uu xiddigu haatanba tijaabada caafimaadka u mari doonaa kooxda Real Madrid.