Real Madrid oo Barcelona Kala Wareegtay Hoggaanka LaLiga Iyo PSG Oo Lagu Dhegay Kulan Uu Casaan Qaatay Sergio Ramos.

0
98

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga kaddib guul cidhiidhi ah oo ay ka gaadhay Getafe oo ay ku booqatay Coliseum Alfonso Pérez halkaas oo gool madi ah oo uu u dhaliyey Eder Militao ay saddex dhibcood oo muhiim ah kaga soo heleen.

Real Madrid oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa derbiga difaaca Getafe ku jabisay kubbad madax ah oo uu shabaqa ku hubsaday Eder Militao daqiiqaddii saddexaad ee bilowga ciyaarta, waxaana labada kooxood kala saaray goolkaas waqtiga hore dhashay.

Kooxda horyaalka Spain ee LaLiga difaacanaysa ee Real Madrid ayaa heshay fursado badan oo ay goolal u beddeli karaysay, iyadoo VAR ay diidday gool uu qaybtii labaad saxeexay Rodrygo Goes, iyo sidoo kale rikoodhe uu garsoore Mateu Lahoz siiyey Madrid oo isagana ay VAR meesha ka saartay jiritaankiisa.