Real Madrid Oo Bar-bar Dhac Kula Hishiiyay Elche Xilli Modric Uu Wacdaro Dhigay

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ka dib ciyaar xaraarad leh , maamulkeeda ay haysay Real , waxa ay bar bar dhac kula soo hishiiyeen kooxda Elche oo ay ku kala baxeen min hal gool

Guud ahaan maamulka ciyaarta ee qeybta hore waxaa lahaa Real waliba halis gilin muuqata ayay sameyanayeen.

Real, birta iyo goolhayaha Elche ayaa hor taagnaa waxaana dhankooda ka maqnaa in maamulka kubadda ay kaliya u rogaan fursado xaqiiq ah kana mira dhaliyaan.

Elche oo dhankooda yareysan ayaa Real ku halis gilineysay kubadaha rogaal celiska waliba qadka dhexe aad ayay ugu wacnaaeen .

Qeybta hore waxaa lagu nastay hal gool ee ay Real dhaliyeen waxaana lahaa Luka Modric xilli goolkaas uu yimid daqiiqadii 20-aad .

Guud ahaan qeybtaas hore , Real waxa ay soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh waxaana ka go`anaa guul .

Qeybta labaad , Elche waxa ay ku dhiiranayeen in ay soo gaaraan afka hore Real illaa ay ku keeneen goolka bar bara dhaca oo ku yimid rigoore waxa ayna dhaliyeen daqiiqaddii 52-aad.

Ka dib goolkaas , Real iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda balse waxaa lagu dilayay in Elche ahaayeen kuwo foojigan waliba diiradda saaraya ciyaarta .

\Real mararka qaar nasiibka ayaa diidanaa oo goolhayaha Elche ayaa sameynayay bad baadinno cajiib ah waxaana ugu darnaa daqiiqadihii 70-iyo 71-aad

Tababare Zidane waxa uu badalkiisa ugu horeeyay sameeyay daqiiqaddii 74-aad waxa uuna xilligaas soo giliyay Hazard iyo Valverde oo loo saaray Vazquez iyo Kroos .

Real , dhamaadkii weerar aan kala joogsi laheyn ayay Elche ku dilleen balse kooxdaas waxa ay ciyaareen kubad kalsooni leh , daafac ahaan waa foojignaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here